Malleyshiyaad Gadoodsan Oo La Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Baladweyne.

0
384

Malleyshiyaad Gadoodsan Oo La Wareegay Qaybo Ka Mid Ah Baladweyne.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Ciidamo aad u hubeysan oo Saaka la wareegay qabyo ka mid ah Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka  Hiiraan, ahna degaan doorashada 2aad ee maamulka Hirshabeelle.

Wararka saaka ina soo gaaraya ayaa waxaa ay tilmaamayaan in Ciidanka oo ah kuwo gadoodsan ay qabsadeen qaybo muhiim ah oo ka mid ah Magaalada Baladweyne, waxaana la arkayaa Ciidamo aad u hubeysan, oo xirtay waddooyinka qaar.

Ciidanka ayaa ka gadoodsan hannaanka lagu wado doorashada kursiga Hope059, kaasi oo lafilayo maanta lagu doorto Baladweyne.

Waxaa lasoo sheegayaa in Malleyshiyaadkaasi Hubeysan ay la wareegeen Xerada Lama-galaay, waxaana Sawiro iyo muuqaallo lasoo duubay ay muujinayaa Ciidamo hubeysan oo ku hubeysan hubka kala duwan, sidoo kalena wata gaadiid dagaal, kuwaasi oo la wareegay lama-galaay.

Wali wax iska hor imaad ah lama soo sheegin, balse xaaaladda ayaa ha mid kacsan, maaddaama mar waliba ay Ciidanka ammaanka iyo malleyshiyaadka hubysan isku dhici karaan.

Kursiga Hope059, ayaa waxaa horay ugu fadhisay Samiira Xasan Cabdulle, waxaana wararka qaar sheegayaan in Malleyshiyaadkaasi aysan ku qanacsaneen, hannaanka kloo marayo doorashada kursigaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here