Magaalada Jigjiga oo laga xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay oo Coronovirus ah

0
466

Magaalada Jigjiga oo laga xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay oo Coronovirus ah

Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in xanuunka Coronavirus uu gaaray magaaladaasi.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, markii xanuunka laga helay mid ka mid ah dadka lagu karantiilay Jaamacadda Magaalada Jigjiga, kana yimid dhinaca Puntland.

Qofka laga helay xanuunka ayaa 23-kii bishan ka yimid Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waana muwaadin u dhashay dalka Itoobiya oo ka soo laabtay Puntland.

Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka ee Dowlad Deegaanka, Dr. Mukhtaar Yuusuf Muuse ayaa sheegay in qofkan uu ka mid ahaa tiro dad ah oo laga qaaday dheecaano, isaga oo qura ayaana laga helay xanuunka. Waana kiiskii ugu horeeyay oo laga xaqiijiyay magaaladaasi.

Wasiir Kuxigeenka oo u waramay Laanta afka Somaliga ee BBC ayaa xusay illaa konton qof oo qofkaasi uu la macaamilay in la soo qab qabtay, oo gacanta lagu hayo.

Dhanka kale Dr. Mukhtaar Yuusuf Muuse, Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka ee Dowlad Deegaanka ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Jigjiga ku dhaliilay in ay ka dhego adeegayaan ku dhaqanka fariimaha waaxda caafimaadka.

“Waxaa jira dhego adeeg ay dadka sameynayaan, dadka qaybo badan oo ka mida shuruucda caafimaadka uma hoggaansamayaan, dhib badan baana naga haysta.” Ayuu yiri Mukhtaar Yuusuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here