Magaalada Baydhabo oo maanta lagu dooranayo 6 kursi.
Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada 6 kursi oo kala ah HOP#077, HOP#099, HOP#167, HOP#168, HOP#186 & HOP#261 oo loo diiwaangeliyay musharixiin min labo ruux ah.
Guddiga ayaa ka reebay kuraasta qaar Xildhibaannaddii ku fadhiyay halka HOP#261 laga hor istaagay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu celiyay Muqdisho kaddib amar kasoo baxay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Yaa ku fadhiyay, Yaase u tartamaya kuraastaan?
HOP#077: Isgoowe Deeqow Isaaq ayaa ku fadhiyay, waxaa loo diiwaangeliyay Cabdinaasir Cali Xasan & Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan.
HOP#099: Deeqa Xuseen Xasan ayaa ku fadhisay Baarlamaankii 10aad, waxaa u tartamaya Axmed Madoobe Nuunow iyo Cabdinaasir Ibraahim Aadan.
HOP#167: Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa ku fadhiyay, Cabdisalaan Cali Cabdi iyo Cabdi Maxamuud Maxamed ayaa ku loolamaya kursigaan.
HOP#168: Xasan Macalin Xuseen ku fadhiyay kursigaan, waxaa loo xiray Dumarka oo waxaa ku tartamaya Luul Ibraahim Cumar & Nasteexa Axmed Nuur.
HOP#186: Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale ayaa beeshiisa ku metalay Baarlamaankii 10aad balse waxaa liiska musharixiinta kusoo baxay Cabdulqaadir Cumar Macalin & Cabdulqaadir Aadan Maxamed.
HOP#261: Cabdulqaadir Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad, waa laga reebay sida aabihiis looga hor istaagay oo kale, waxaa u loolamaya Saalax Shariif Sayid Cali iyo Ismaaciil Shariif Cali.
SEIT Koofur Galbeed ayaa sheegay in uu dadejinayo Doorashada kuraasta ku dhiman Dowlad-Goboleedkaas gaar ahaan Deegaan-Doorashada koowaad oo ah Baydhabo inkasta oo waqti kooban uu ka haray taariikhda uu Golaha Wadatashiga go’aamiyay in lagu soo idleeyo waana 15-Maarso-2022.