Madaxweyne XSH oo maanta baarlamaanka ka hor jeedin doona khudbad ku aaddan Badda Soomaaliya

0
67

Madaxweyne XSH oo maanta baarlamaanka ka hor jeedin doona khudbad ku aaddan Badda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeedin doona kulan aan caadi ahayn kaas oo la’isugu yeeray labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay uga hadlaan arrin xasaasi ah oo quseysa Qaranimada.

Kulanka oo maanta lagu wado inuu ka dhaco xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa xalay Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa loo soo gudbiyay ogeysiisyo deg deg ah oo ku aadan ka qeyb galka kalfadhiga aan la shaacin, taasoo muujineysa culeyska ay leedahay arrintan.

Kulanka ayaa diirada lagu saarayaa heshiiskii dhawaan magaalada Addis Ababa ku gaareen hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Heshiiskaas ayaa muran badan dhaliyay iyadoo Muuse Biixi ay ka go’an tahay in dowladda Itoobiya loo ogolaado in ay hesho oo ay ka faa’ideysato qeybo ka mid ah kheyraadka biyaha Soomaaliya. Taa beddelkeeda, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa la sheegay inuu ballan-qaaday in uu Somaliland u aqoonsan doono dowlad madax-bannaan.

Go’aanka ka soo yeeray Abiya Axmed ayaa qaar ka mid ah Madaxda dalka iyo kuwa xil uga soo wada qabtay waxa ay ku sheegeen in uu yahay mid xad gudub ku ah qarannimada Soomaaliya, iyaga oo baaq u jeediyey Madaxweyaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Golaha Wasiirrada ayaa iyaga waxaa la filayaa saacadaha soo socda in ay go’aan ka soo saaraan heshiiskaan ka gadaal markii xalay Ra’iisul Wasaare Xamsa uu isugu yeeray shir degdeg ah oo looga arinsanaya waxa la gudboon xukuumadda