Madaxweyne Xasan Shiikh “Qof Ajanabi oo aan Fiiso wadan dalka ma soo gali karo”

0
25

Madaxweyne Xasan Shiikh “Qof Ajanabi oo aan Fiiso wadan dalka ma soo gali karo”

&nbMadaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay hirgalinta Barnaamijka E-visa ee maalmihii la soo dhaafay bulshada hadal haysay.

Khudbad uu jeediyay Madaxweynaha ayuu ku xusay in dalka u socdo Dijital, isla markaasna is badal lagu sameeyay adeegyo kala duwan oo ay dowladda Federaalka hore u bixin jirtay.

“Baasaboorka Soomaaliga adiga oo Fiiso heysan dal kale kuma gali kartid, sidaasi si lamid ah ayaa qof Ajanabi ah ama dhalasho ahaan Soomaali ah u imaan karin gudaha dalkeena isagoo aan wado Fiiso” ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli 1 bishaan September dalka laga dhaqan galiyay barnaamijka E-visa oo shuruud dadka Ajanabiga uga dhigaya in ay dalka kaliya ku soo gali karaan dal ku galka Soomaaliya.sp;