Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha wadankaas, Abiy Ahmed.
Qoraal ay baahisay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in labada Hoggaamiye ka wada hadleen iskaashiga labada dal gaar ahaan in laga fogaado wax kasta oo dhaawici kara Madaxbannaanida iyo midnimada dal kasta.