Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhigiisa Turkey kala hadlay Amniga iyo dagaalka AS
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, xilli ay labadoodu ku sugnaayeen Madasha Diblumaasiyadda ee Antalya.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale iska xog-waraystay xaaladaha gobolka iyo dadaallada socda ee lagu wajahayo caqabadaha amni.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagula tacaalayo argagixisada, isagoo uga mahadceliyey dowladda Türkiye doorkeeda ku aaddan taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dib-u-dhiska.