Madaxweyne Xasan Shiikh “Ma jiro Mucaarad ku mideysan horumarinta dalka”
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlah xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha Siyaasadda iyo doodaha ay qabaan xubnaha Mucaaradka.
Madaxaweynaha oo ku sugan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegay inuusan jirin Mucaarad ku mideysan arragti dalka horumar gaarsiin karta.
“Mucaaradkii aan ka mid ahaa 2022 iyo kan hadda jira ma laha arragti ay ku mideysan yihiin, ninkasta si gaar ah ayuu u socdaa, taasina ma keenayso horumar, waxaa loo baahan yahay in laga gudbo Caqabadaha jira sida in la dhammeystiro Dastuurka oo awoodda lagu celiyo shacabka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay Xisbiyo ku dhisan arragti, si looga gudbo siyaasiga kaligii socda.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ku adkeystay inuu ka dhabeeyo ballan qaadkiisii hore ee Wax ka badalka Dastuurka iyo Qabashada doorashada qof iyo cod oo mucaaradka ay tabasho ka qabaan.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli ay natiijo la’aan ku soo dhammaadeen ilaa shan kulan oo uu la yeeshay Xubnaha Mucaaradka ee ku mideysan Madasha samatabixinta.