Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay falkii ay kula kaceen ciidanka Itoobiya

0
63

Cidanka ammaanka Itoobiya ayaa is hortaag ku sameeyay Madaxweynaha Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafidigiisa xilli uu u socday hoolka uu ka dhacayey shirka Midowga Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kula hadlay warbaahinta xaruunta Midowga Afrika ayaa falka ay ku kaceen ciidanka Itoobiyaku tilmaamay xadgudub.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Saaka markii aan isku diyaariyey in aan imaado kulanka albaabadu u xiran yihiin ee shir madaxeedka, ciidanka ammaanka ee Itoobiya ayaa is hortaagay halkii aan mari lahaa. Waxa ay ii diideen in aan Hoteelka ka soo baxo, oo aan gaadiidkeyga ku aado halka uu shirku ka dhacayey.”

Xasan Sheekh oo sii hadlaya ayaa sii yiri, “Ugu danbeynti waxaa aan ku soo gaarnay xaruunta Midowga Afrika gaari madaxweyne kale leeyahay, markale ayey haddana annaga oo laba madaxweyne ah; Madaxweyanaha Jabuuti iyo aniga, waxa ay naga hor istaageen in aan galno xaruunta Midowga Africa, askar qoryo wadato ayaa iskaaya hortaagay in aanu galno hoolka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib falkii ay kula kaceen ciidamada Itoobiya kuwaas oo la sheegay in ay ilaalo ka ahaayeen shirka.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli xiriirka labada dowladood aysan fiicaneyn ka dib hashiis is afgarad ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, taas oo dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah Qarannimada Soomaaliya.