Madaxweyne Trump Oo Si Carro Leh U Weeraray WHO

0
415

Madaxweyne Trump Oo Si Carro Leh U Weeraray WHO

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Ha’yadda Caafimaadka Adduunka ee WHO inay tahay ‘eey uu wad wato Shiinaha.

Wuxuu sheegay in ‘WHO ay bixisay talooyin qaab daran oo qalad ah isla markaana garab lagu siinayo Shiinaha oo marka hore uu ka dilaacay Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Inkasta oo Trump uusan ka qeybgelin shirka WHO, balse waxaa kulan qaab muuqaal ah uga qeybgalay xoghayaha arrimaha caafimaadka ee Mareykanka, Trump wuxuu sidoo kale ku eedeeyay WHO in si khaldan ay u maareysay ka hortagga cudurka.

Trump oo isagu lagu dhaleeceeyay sida uu ula tacaalay safmarka waxaa uu marar badan ku eedeeyay Ha’yadda Caafimaadka Adduunka inay ku guuldareysatay in caalamka ay u fidiso wacyigelin buuxdo isla markaana ay u eexatay Shiinaha.

Wuxuu ku eedeeyay Shiianha in uu daboolayo dhibaatada ka dhalatay cudurka markii uu ka dilaacay halkaas.

hadalka Madaxweyne Trump ayaa imaanaya xilli WHO uu u socdo kulan labo maalmood qaadanaya oo ay uga hadlayaan safmarka feyraska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here