Madaxweyne Putin “Haddii aan dagaal la hurayn noqo kan gacanta la hormara”

0
28
MOSCOW, RUSSIA - SEPTEMBER,13 (RUSSIA OUT): Russian President Vladimir Putin addresses Tokyo 2020 Paralympic medalists during the meeting at the Grand Kremlin Palace, on September 13, 2021 in Moscow, Russia. (Photo by Mikhail Svetlov/Getty Images)

Madaxweyne Putin “Haddii aan dagaal la hurayn noqo kan gacanta la hormara”

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ay is hayaan xulufada isbahaysiga NATO ayaa sheegay hadal u muuqda in uu ku dhiirragelinayo ciidankiisa u dhaqaaqay dhinaca saldhigyada ugu waa weyn ee isbahaysigaas.

Waxa uu sheegay in haddii aan laga fursananay dagaal in ay habboon tahay in aad noqotid qofka ugu horreeya ee gacan qaada, tani waxa ay si cad u muujinaysaa sida uu u doonayo inuu kala hormaro NATO dagaalka uu damacsan yahay.

“Haddii aan dagaal la hurayn noqo kan gacanta la hormara, Ruushka waxa uu diyaar u yahay in uu ka takhaluso cid weliba oo kahor imaada danihiisa ama isku dayda in ay soo raacdo Dalalka ka dhanka ah” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda ee Ruushka ayaa soo bandhigtay muuqaallo ay kasoo duubtay Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka oo u ruqaansaday dhinaca meelaha u dhow saldhigyada Isbahaysiga NATO.

Madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelensky oo dalkiisa lagu daawaday duullaankii uu kusoo qaaday Ruushka ayaa markaan helay fursad uu kusii hurin karo xiisadda taagan, waxa uu wax laga yaqyaqsado ku tilmaamay in NATO ay u cudurdaarto diyaaradaha Ruushka uu u diray Poland & Romania.