Madaxweyne Maamul Goboleed Oo Muqdisho U Yimid Shirka Golaha Wadatashiga

0
169

Madaxweyne Maamul Goboleed Oo Muqdisho U Yimid Shirka Golaha Wadatashiga

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe ) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyaga oo kasoo ambabaxay magaalada Jowhar.

Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale, iyagoo intaas kadib wafdiga u gudbay Guriga uu Muqdisho ka degan yahay Guudlaawe.

War kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in ujeedka Madaxweyne Cali Guudlaawe u yimid caasimadda Muqdisho uu yahay qeybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa loo balansan yahay inuu magaalada Muqdisho ka furmo dabayaaqada bishan December, sida hore loogu shaaciyay War-murtiyeedkii ug dambeeyey ee ka soo baxay shirka golaha wadatashiga ee Muqdisho lagu qabtay.

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedka Jubbaland , Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed Lafta-gareen oo uu culeys siyaasadeed saaran yahay ayaa lagu wadaa inay soo gaaraan Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka Golaha ee furmi doona.

Shirka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, xili Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen muddo xileedkiisa sharciga ah uu ka dhamaaday 19-kii bishan, iyadoona muddo kordhin loo sameeyay ay kasoo horjeedan Musharaxiinta Madaxweynaha K/Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here