Madaxweyne Ka Digay In Ciidanka AMISOM Laga Saaro Gudaha Somalia

0
395

Madaxweyne Ka Digay In Ciidanka AMISOM Laga Saaro Gudaha Somalia

Madaxweynaha dalka Burundi, Evariste Ndayishimiye ayaa waxa uu shaaciyey haddii Wada-xiriin la’aan darteeda Ciiddanka AMISOM laga soo daad-gureeyop Somalia inay taasi waxyeeli karto Guulihii ay Ciiddankaasi horey u gaareen ee Soo-celinta Nabadda iyo Ammaanka ee Somalia.

Madaxweynuhu waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta xalay ku qabteen the State Lodge ee ku yaalla magaalladda Kismu ee dalka Kenya oo uu Madaxweynaha Burundi kaga qeyb galayo Munaasabadda Maalinta Fasaxa Qaranka Kenya ee Madarka Day oo maanta loo dabaal degayo.

Waxa uu ku baaqay in Wada-tashiyo laga yeesho in Ciiddanka AMISOM laga soo wada saaro Somalia, ka hor inta aan la qaadanin Go’aan aan laga wada xiriirin.

“ Hindise kasta oo lagu yareynayo Ciiddanka AMISOM ee ku sugan Somalia waa in la qiimeeyaa Cabsida ka imaanayso Alshbaab, si aan loo lumin qeybo ka mid ah Xuduudaha ay horey ula wareegeen AMISOM” ayuu yiri Madaxweynaha Burundi.

Waxa uu intaasi sii raaciyey in dalalka ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia iyo Ururka Midowga Afrika inay waajib tahay in La-tashiyo ka yeeshan qorshe kasta oo lagu dhimayo Ciiddanka AMISOM.

Dalka Burundi waxa uu ka mid yahay dalalka Afrikaanka ee ay Ciiddamada ka joogaan Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM, iyadoo dalalka kale ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM kala yihiin: Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka AMISOM waxa la qorsheeyey in laga daad-gureeyo Soamlia bisha December ee sanadkan 2021-ka, kadib, markii ay Golaha Ammaanka ee QM muddada u kordhiyeen Hawlgalka AMISOM bishii Feberaayo 28-dii ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here