Madaxweyne FARMAAJO: “Xukunka anigaa sii haynaya illaa ay doorasho ka dhacdo”

0
299

Madaxweyne FARMAAJO: “Xukunka anigaa sii haynaya illaa ay doorasho ka dhacdo”

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay inuu xafiiska sii joogi doona illaa doorasho ay ka dhacdo dalka.

Farmaajo oo wareysi siiyey wargeyska Buffalo News ee dalka Mareykanka, oo kasoo baxa magaaladii uu ka yimid ee Buffalo ee gobolka New York ayaa yiri “Weli waan joognaa markii uu muddo xileedkeenu dhammaaday bilo kahor, sababtoo ah dalka ma huri karo firaaq, firaaq dhanka xukunka ah.”

“Sidaas darteed illaa ay doorasho ka dhacdo, xafiiska waan sii joogi doonaa, sababtoo ah kama tagi karo, yaa hoggaaminaya dalka haddii aan baxo, sababtoo ah waxaa loo baahan yahay dowlad sharci ah oo xafiiska la wareegta, oo ku timaada doorasho,” ayuu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here