Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wiilkii dareyska Somaliya loogu xiray Hargeysa
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ayaa wuxuu caawa Qasriga Madaxtooyada uu ku qaabilay nin dhalinyaro ah, oo Magaalada Hargeysa loogu xiray, dareys ka samaysan Calanka Somaliya.
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa bishii May Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) ku xiray Magaalada Hargeysa, xilli uu xirnaa dareys lagu suntay Calanka Baluugga ee Somaliya.
Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Villa Somalia ku leedahay Shabakadda Facebook ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliya uu ninkaasi dhalinyarada ah guddoonsiiyay Astaanka Qaranka.
Qoraalkan ayaa u qornaa sidatan: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ayaa oo caan ku noqday jacaylka iyo qaddrinta Calanka Soomaaliyeed ku maamuusay guddoonsiinta astaanta Qaranka keddib markii uu kulan dhiirrigelin ah kula qaatay Villa Somaliya.