Madaxweyne Farmaajo Oo Baarlamanka Hortagi Doona Iyo U Jeedka

0
358

Madaxweyne Farmaajo Oo Baarlamanka Hortagi Doona Iyo U Jeedka

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa maalinta berito ah kulan ku leh xarruuntooda ay ku shiraan ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo lagu war galiyay Xildhibaanada ayaa waxaa la filayaa in uu qabsoomo berri oo Sebti ah.

Agendaha kulanka ayaa ah Warbixin Madaxweynaha JFS u jeedinayo Xubnaha Golaha Shacabka.

Madaxweyne farmaajo ayaa waxaa horyaalla arrimo dhowr ah, waxaana ilaa hadda lagu sugayaa soo magacaabista Ra’iisul Wasaare, sidoo kale arrinta doorashooyinka ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee horyaalla dowladda talada haysa.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa muddooyinkii danbe waxaa ay yeelanayeen kulamadooda caadiga, waxaana ay horay u ansixiyeen sharciyo,iyadoo berrina uu madaxweyne farmaajo hortagi doono Golaha Sashacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here