Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada oo is faham ka gaaray dhismaha 3 Guddi

0
395

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada oo is faham ka gaaray dhismaha 3 Guddi

Shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad goboleedyada uga socda Xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegayaa in is faham hordhac ah ka gaareen madaxda, ayna ku guda jiraan marxaladii u dambeysay ee war murtiyeed looga soo saarayo.

Shirkan oo habeen hore bilowday ayaa shalay illaa xalay u socday Madaxda, waxaana looga hadlayay hirgelinta heshiiskii doorasho ee 17-kii bishan ay gaareen iyo sidii jadwalka doorasho iyo Guddiyada maamulaya loo soo saari lahaa.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxda ay isku afgarteen dhismaha saddex guddi oo kala ah Guddiga doorashada heer federaal iyo heer dowlad Goboleed, dhismaha Guddiga xalinta khilaafaadka.

Saddexdan Guddi ayaa waxaa kala magacaabi doona Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada, sida Guddiga doorashada heer Federaal oo Madaxweynaha soo magacaabayo, ayna xubno ku yeelan doonaan Dowlad Goboleedyada.

Guddiga doorashada Heer dowlad goboleed ayaa waxaa soo magacaabi doona Maamul Goboleedyada, halka Guddiga Xalinta khilaafaadka uu Madaxweyne Farmaajo soo magacaabayo.

Sidoo kale Madaxda ayaa ka doodayay asteynta kuraasta Xildhibaannada deegaanada doorashadooda ka dhaceyso, iyadoo la isla gaaray in maamul goboleed kasta labo deegaan doorasho ay ka dhacdo.

Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa dib ugu laaban doona degaannadooda si ay latashiyo ula soo sameeyeen Mas’uuliyiinta maamulada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay u soo magacaabaan Xubnaha dhinacooda ka socda ee Guddiga doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here