Madaxweyne Erdogan oo Midowga Yurub uga digay Burbur ku yimaada Dowladnimada Liibiya

0
504

Madaxweyne Erdogan oo Midowga Yurub uga digay Burbur ku yimaada Dowladnimada Liibiya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kaga digay wadamada Yurub in ay wajihi karaan qatarta kooxaha Argagixisada hadii uu fashil ku yimaado dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya.

Maqaal uu daabacay wargeyska Politico sabtida maanta ka hor shirka Nabada ee ka dhacaya magaalada Berlin ayaa Mr Erdogan wuxuu sheegay in hadii Yurub aysan taageerin dowladnimada Liibiya ay noqon doonto qiyaano ka dhan ah qiimaha dimuquraadiyada iyo xuquuqda Aadanaha.

Mr Erdogan ayaa intaa ku daray in Yurub ay la kulmi doonto dhibaato iyo hanjabaado dhanka amniga hadii ay burburto dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Liibiya.

Kooxaha argagixisada gaar ahaan daacish iyo Al-Qaacida oo dhibaato ku haya wadamada Suuriya iyo Ciraaq ayuu sheegay in Liibiya ay u noqon doonto dal ay sal dhigtaan taasi oo cabsi amni ku abuuri kara qaarada Yurub.

Maskax ahaan waa in ay fikirtaa Yurub hadii ay dooneyso nabad waa in ay taageero milatari siisaa xukuumada Tripoli ayna la shaqeeyaan dowlada Turkiga oo horay u balan qaaday in ay caawin doonto Liibiya.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu danbeyn sheegay in tababaro ay u fidin doonaan ciidamada Liibiya ayna ka hortagi doonaan Tahriibka sharci darrada ah ee ka jira wadankan ku yaal waqooyiga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here