Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii iyo Xeer Ilaaliyihii Maxkamada ciidamada

0
461

Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday guddoomiyihii iyo Xeer Ilaaliyihii Maxkamada ciidamada

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii iyo xeer ilaaliyihii Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Gobolada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday G/sare Cawil Axmed Faarax iyo Xeel Ilaaliyaha G/sare Cabdullaahi Xirsi Cilmi ayaa waxaa hore u magacaabay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Weli Gaas.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada ayaa waxaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay G/le. Cabdiqani Axmed Maxamed, sidoo kale G/le. Cabdirashiid Maxamed Cabdi ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Derajada 1-aad ee Ciidamada shanta Gobol.

Madaxweyne Deni ayaa xilka qaadistan iyo magacaabistanba sameeyay xilli uu booqasho ku joogo magaalada dekeda leh ee Boosaaso,waxana uu ku sababeeyay in ay cabashooyin badan ay ka yimaadeen bulshada iyo maamulkaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here