Madaxweyne Cagjer Oo Shaaciyay Saamiga ay Somalidu ka Helayso Shidaalka laga soo Saarayo Deegaanka
Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa shaaca ka qaaday saamiga ay dawlad deegaanka Soomaalidu ka helayaan shidaalka deegaankaas laga soo saarayo.
Mustafe oo maanta ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta calanka ee Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba konton ay Soomaalidu ka heli doonaan dakhliga ka soo xarooda Shidaalka, halka faa’iidada dakhliyada kalena loo heli doono sidii caadiga ahayd. Mustafe ayaa hadalka ku durayey dadka ay siyaasad ahaan dhaliilaha qorshayaasha DDS.
“Shidaalka iyo Khayraadka ka soo baxaya iyo ganacsiga iyo shaqo abuurka laga helayo iyo dakhliga laga helayo oo si cad loogu ansixiyey golayaasha iyo sharciyada dalka in boqolkiiba konton la siinayo deegaanka Soomaalida oo ay leeyihiin, wixii kale ee dawladda dhexe u xaroodana uu yahay waxa aan haddaba ka faa’iideyno ee meel walba lagu dhisayo ee ah lacagaha dawladda federaalka ay miisaaniyadda ku darayso in haddana dano siyaasadeed iyo kuwo shaqsi awgood dadka six un loogu sawiro waa nasiib darro” ayuu yiri Mustafa.