Madaxweyne Biixi Oo Booqday Goobo Ay Ka Socoto Codbixinta Doorashada

0
336

Madaxweyne Biixi Oo Booqday Goobo Ay Ka Socoto Codbixinta Doorashada

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa booqday Goobaha degmooyinka Caasimada Somaliland ee Magaalada Hargeysa oo ay ka socoto Codbixinta Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi oo u tegay dadweyne farabadan oo safaf dhaadheer ugu jiray inay dhiibtaan codadkooda ayaa waxaa uu kula dardaarmay inay codkooda dhiibtaan, kuna hubsadaan ciday u codaynayaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa subaxnimadii hore ee saaka codkiisa ka dhiibtay Xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda, isagoona buuxiyay shuruudihii looga baahnaa qof kasta oo codbixiye ah.

Shacabka Somaliland ayaa Maanta goor hore u dareeray goobaha Codbixinta, iyagoona dooranaya Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo ay ku tartamayaan 82 Xildhibaan oo Baarlamaanka ah iyo 249 Golaha guurtida.

In ka badan hal malyan oo qof ayaa dhiibanaya codadkooda, iyadoona goobaha codbixinta ay gaarayaan 2,709 oo kala yaalla Maroodi-Jeex, Toghdeer, Sanaag, Soo, Awdal iyo Saaxil, waxaana siweyn loo adkeeyay amniga goobaha Codbixinta.

Ugu dambeyn Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ka Codsaday dhammaanba xubnaha murrashaxiinta ah ee ka qaybgelaya doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka inay u hoggaansamaan natiijada soo baxda, una turaan nabadgelyadaba.

HOOS KA DAAWO :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here