Madaxweyne Biden: “Haddii kuwa kalitaliska ah lala xisaabtami waaye dhibaato weyn ayay horseedeyaan”

0
391

Madaxweyne Biden: “Haddii kuwa kalitaliska ah lala xisaabtami waaye dhibaato weyn ayay horseedeyaan”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay ee sanadlaha ayaa ku dheeraaday colaadda ka aloosan Ukraine ee uu sababta u yahay Ruushka oo weeraray Dalkaas 24kii Febaraayo 2022.

Biden ayaa tilmaamay in Ruushka uu galay xaalad adag kaddib markii la go’doomiyay sabab ka dhalatay tallaabada ka dhanka ah Ukraine ee uu sameeyay, ciqaab adag oo ka culus tan lagu soo rogayna ay sugeyso.

Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka Joe Biden oo khudbaddiisa sanadlaha ka baaqday sanadkiisii ugu horreeyay 2021 sabab ka dhalatay faafitaanka Covid-19 ayaa xalay jeediyay khudbad uu kula hadlay Dadkiisa.

“Ruushka waxa uu galay go’doon gooni socod ka dhigay maadaama dhammaan dunida ay kasoo horjeysatay duullaanka gardarrada ah ee uu ku qaaday Ukraine, waxaa hoos u dhacaya Dhaqaalaha waddankaas” ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo jeediyay in la kordhiyo culeyska siyaasadeed & midka dhaqaale ee ka dhanka ah Ruushka si ugu yaraan uu uga qoomameeyo tallaabada aan ka fiirsiga lahayn eek a dhanka ah Ukraine.

Vladamir Putin Madaxweynaha Ruushka ayaa Mareykanka iyo dalalka kale ee Reer Galbeedka ku eedeeyay in ay afka kala dagalaamayaan kaddib markii ay ku guuldareysteen in ay garabsiiyaan Ukraine oo todobaadyadii lasoo dhaafay u muujinayay in ay garab-taagan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here