Madaxweynaha Suuriya Bshaar Al Adad oo Imaaraatka ku tagay safarkii ugu horreeyay uu ku gaaro Dal Carbeed tan iyo 2011.

0
188

Madaxweynaha Suuriya Bshaar Al Adad oo Imaaraatka ku tagay safarkii ugu horreeyay uu ku gaaro Dal Carbeed tan iyo 2011.

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa booqashadii ugu horreysay tan iyo 2011 uu ku tago Dal carbeed ku gaaray Waddanka Isutugga Imaaraatka Carabka kaddib markii uu ka degay culeyskii ay saareen waddamada Reer Galbeedka.

Bashar Al-Asad ayaa socdaalkiisa Imaaraatka kusoo beegmay xilli Xukuumadaha Dimishiq & Abu Dhabi ay garab istaag u muujiyeen waddanka Ruushka oo Ukraine ku duulay 24kii Febaraayo 2022 balse culeys xooggan kala kulmay Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub.

Mareykanka oo saaxiib dhaw muddo la ahaa Imaaraatka Carabta ayaa niyad-jab ka muujiyay Safarka Madaxweynaha Suuriya uu ku tagay Abu Dhabi,  waxa uu ku tilmaamay in Al-Asad loo xalaaleynayo Xilka Madaxtinimada Dalkiisa.

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa sameysay tallaabooyin cara-gelinaya Mareykanka waxaana kamid ah in Abu Dhabi ay sheegtay in xiriirka Washington ay u weecineyso Shiinaha, garab-istaagidda Ruushka & soo dhaweynta Madaxweynaha Suuriya.

Dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheekh Maxamed bin Zayed al-Nahyan ayaa sheegay in Suuriya ay muhiim u tahay Amniga Carabta, dalkiisana uu doonayo in uu xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya xukuumadda Dimishiq, sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka WAM.

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa si tartiib-tartiib ah u billlaabay safarro uu ku tagayo waddamada xiriirka kala dhaxeeya, fur-furnaantaan ayaa timid kaddib markii Xukuumadda Dimishiq ay sameysay dedaallo ay ku sameysaneyso Isbaheysi.

Safarka Al-Asad ayaa lala xiriiriyay socdaal Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka uu Dimishiq ku tagay November 2021, Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay socdaalkaas maadaama ay isu soo dhawaanshiyo sameynayaan Suuriya iyo Imaaraatka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here