Madaxweynaha Somaliland Oo Maxaabiis Ku Dhow 500 Cafis U Fidiyey
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay SL/XM/WM/222-650/042021, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyad Somaliland ku xiran
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Cafis
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;
Markaan Arkay: Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149;
Markaan Tixgaliyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/122/2021, kuna taariikhaysan 05/04/2021;
Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee ee summaddiisu tahay XIG/SL/111/2021, kuna taariikhaysan 06/04/2021;
Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;
Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 484 (Afar Boqor iyo Afar iyo Siddeetan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya, sida ku xusan qodobka 92aad ee Xeerka Ciqaabta Guud. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.