Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Magaalada Hargeysa

0
273

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Magaalada Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminaayay oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa dalka Jabuuti ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa waxaa Garoonka Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey xubno kamid ah Golaha wasiirrada, taliyeyaasha Ciidamada kala duwan, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex iyo xubno kale.

Madaxweynaha Somaliland ayaa intii uu joogay dalka Jabuuti waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas oo ugu horreeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoona ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dhinac.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka arrinsaday fududaynta isu-socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada shacab ee Somaliland iyo Jabuuti.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here