Madaxweynaha Somaliland Ciro oo Dhagax-dhigay Matxaf iyo Maktabad Qaran

0
30

Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax-dhigay Matxaf iyo Maktabad Qaran

Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax-dhigay Matxaf iyo Maktabad Qaran iyo Dib-u-dhiska Goobtii Taariikhiga ahayd ee Magaalada Burco lagaga Dhawaaqay dib ula soo noqoshada Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefgigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayey oo ku jira maalintii 3-aad ee Safarkii Shaqo ee uu ku joogay Magaalada Burco ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay Matxaf (Museum) iyo Maktabad (Library) Qaran, iyo sidoo kale dib u dhiska goobtii Taariikhiga ahayd ee magaalada Burco lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland 18-kii May 1991.

Munaasibaddan ayaa ahayd mid xambaarsan uhiimmad weyn oo Taariikheed, mid Dhaqan iyo mid Qaranimo, iyada oo lagu xasuusan doono goobtan sidii xarun lagu keydiyo Xogta, Taariikhda iyo Aqoonta Qaranka JSL, isla markaana loogu hibeeyo jiilasha soo socda in ay wax ka bartaan halgannadii kala duwanaa, naf hurkii iyo geesinimadii Shacabka xariirta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey Xafladda ayaa sheegay in dhismahani yahay Astaanta Xusuusta Qaranka iyo muujinta Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, isaga oo bulshada reer Burco ugu baaqay in ay si wadajir ah u ilaashadaan una taageeraan dhaxalkan Qaran.

 

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Matxafka iyo Maktabadda Qaranka ee laga dhisi doono magaalada Burco ay noqon doonaan xarumo muhiim ah oo lagu horumariyo arrimahan soo socda:

 

1. Cilmi-baarista, Kobcinta Aqoonta iyo Waxbarashada,

2. Dhaqanka iyo Hiddaha, Suugaanta iyo Hal abuurka

3. Dalxiiska Qaranka oo noqan doonta meel soo jiidata martida caalamka iyo muwaadiniinta Gudaha iyo Dibedda ee doonaya in ay wax ka bartaan taTariikhda iyo Halganka Shacabka Somaliland.

 

Madaxweynaha ayaa xusay in mashruucani uu caddeyn u yahay sida Somaliland uga go’an tahay ilaalinta Taariikhdeed, Kobcinta Aqoonta iyo dhismaha Astaamaha Qarannimada Somaliland