Madaxweynaha Somaliland Biixi Oo Magacaabis Cusub Sameeyay (Wareegto)

0
562

Madaxweynaha Somaliland Biixi Oo Magacaabis Cusub Sameeyay (Wareegto)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/WM/222-854/042022 uu ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here