Madaxweynaha Puntland oo markii u horeysay ka warbixiyay fashilka ku yimid Shirkii Garowe

0
575

Madaxweynaha Puntland oo markii u horeysay ka warbixiyay fashilka ku yimid Shirkii Garowe

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa markii u horeysay ka warbixiyay Shirkii Wadatashiga ee magaalada Garowe ku dhex maray Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madaxda dowlad goboleedyada, kaasoo fashil ku dhamaaday.

Saciid Deni ayaa sheegay in qodobka ugu xasaasinaa uu ahaa in la helo Gole Siyaasadeed oo ay ku doodayeen in la sameeyo Madaxda dowlad goboleedyada.

“Qodobka ugu xasaasisanaa shirkii wuxuu ahaa in loo baahday in lahelo gole siyaasadeed oo ay rabeen Dowladdaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, runtiina Madaxweyne Farmaajo wuu qiray arrintaas in dastuurku ogol yahay, muhiimadda shirka waxay ahayd, in laysu yimaaddo, la kulmo, lawada hadlo, laakin wax is afgarad ah majirin, waxaana sabab u ahayd in loo baahday waqti badan”ayuu yri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in dowlad goboleedyada ay si cad u sheegeen in masiirka dalka loo baahan yahay in talo laga wada yeesho, gaar ahaan xeerka Doorashooyinka oo ka mid ah waxyaabaha masiirka ah

“Dowladdaha xubanaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay si cad u sheegeen in masiirka dalka loo baahan yahay in talo laga wada yeesho. Xeerka doorashooyinka oo waxyaabaha masiirka ah, runtii wuxuu ahaa wax aan lala socon, oo la rabay in heshiis laga gaaro, waxay ahayd doodaha shirka”ayuu yiri Mr Deni.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dooda kale ee la isku hayay ay ka mid aheyd qeybsiga kheyraadka, gaar ahaan Batroolka.

“Doodda kale waxay ahayd, qeybsiga kheyraadka dalka oo Baatroolku kamid yahay, dalka Soomaaliyeed wuxuu soo maray burbur, dadka Soomaaliyeed waxay ku kala duwan yihiin wax badan, si loo mideeyo ayaa federaalka loo qaatay, si aan mar kale ay naan ugu laaban dhibaatooyinkii dagaallada sokeeye iyo is aaminaad la’aanta”ayuu yiri Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inay ka wada shaqeeyaan Midnimada Umadda Soomaaliyeed.

“Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS waa kuwo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waa in ay ka shaqeeyaan midnimada ummda Soomaaliyeed, waa in lawada hadlo hadii xataa la kala aragti duwan yahay, waxyaabaha la isku afgaran waayo in dib loo dhigo lagana wada hadlo kuwa aan lagu muran saneen”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay sababta ay Puntland Iskaashi ula yeelatay maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

“Hore waxaan Iskaashi ula lahayn Jubbaland iyo Galmudug, haatanna Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed, waxaan uga faa’iidaysanay in wada shaqeyn la helo, Hirshabeelle dhaqaale ayaa naga dhexeeya, Koonfur-galbeedna sidoo kale”ayuu Yiri Madaxweyne Deni.

Hadalka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ahaa mid aad loo wada sugayay, maadaama Shirkii dhowaan ka dhacay Garowe uu ku dhamaaday natiijo la’aan, isla markaana Madaxda ay ka tageen, iyagoo aanay hal qodob heshiis ku aheyn, taasoo sababtay in shirku fashilmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here