Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Magacaabis Sameeyay

0
452

Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Magacaabis Sameeyay

Madaxweynaha Puntland Mudane siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 30 ee Juun, 29, 2019 ku magacaabay Guddooomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Karkaarv ee puntland.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Siciid Maxamed Faahiye loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar.
  2. Waxaa Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Karkaar.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Mudane siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar ee Puntland.

G/Dhexe Cabdulqadir Jaamac Dirir ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska Gobolka Karkaar ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here