Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Qarixii Boosaasa Ee Lagu Dilay Nabaddoonada

0
311

Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Qarixii Boosaasa Ee Lagu Dilay Nabaddoonada


Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Qarixii Boosaasa Ee Lagu Dilay Nabaddoonada
February 20, 2022
SHARE0
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Xukuumadda Iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariisto Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday qaraxii argagixisnimo ee ka dhacay Boosaaso.

AHUN waxay ahaayeen labo Odey oo si weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta iyo horumarka, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkoodii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen. Dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi waxaan alle uga baryaya in uu u booga dhayo, aamiin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here