Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni Oo Ku Wajahan Boosaaso+SABABTA

0
301

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni Oo Ku Wajahan Boosaaso+SABABTA

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu booqasho ku tago Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweyne Deni ayaa xalay ku hoyday degmada Carmo ee Gobolka Bari, isaga oo kulan is xogwareysi ah la qaatay waxgaradka, Nabadoonnada, masuuuliyiin, maamulka Gobolka Bari, kan degmada Carmo iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Puntland ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu yahay daahfurka doorashada 16 kursi ee dhawaan Guddiga doorashooyinka Puntland ay shaaciyeen in doorashadooda la qabanayo.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Puntland ee Maanta safarka ku tagayao halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here