Madaxweynaha Maamulka Puntland oo magacaabay taliye iyo Agaasime cusub Madaxtooyada Puntland
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa u magacaabay taliye iyo taliye ku-xigeen cusub ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa taliyaha ciidanka madaxtooyada loogu magacaabay G/dhexe Barkhad Cabdullaahi Yuusuf halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/shaanle Mu’min Cabdi Shire.
Sidoo kale Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa qoraal kale ugu magacaabay Agaasimha guud ee madaxtooyada Maxamed Cabdilladiif Yuusuf oo hore ugaga mid ahaa shaqaalaha hay’adaha Samafalka.
Madaxweyne Deni oo isbedel ku wada Maamulka Puntland ayaa waxa uu sidoo kale u magacaabay Cabdiweli Cali Cabdulle Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada.