Madaxweynaha Jubbaland Oo Ku Wajahan Magaalada Nairobi Iyo Ujeedkiisa

0
325

Madaxweynaha Jubbaland Oo Ku Wajahan Magaalada Nairobi Iyo Ujeedkiisa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ku wajahan yihiin Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa safarkiisa Nairobi ku wehlin doona Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Jubbaland, iyagoona saacadaha soo socda ka ambabixi doona Magaalada Kismaayo.

Ujeedka Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Aaska Senater Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa Wasiirkii gaashaandhigga dalka Kenya oo xalay ku geeriyooday Nairobi.

Axmed Madoobe ayaa tacsi uu tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan qoyska iyo ehelada Alle ha unaxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaj, isagoo Alle uga baryay in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo.

Maxamed Yuusf Xaaji ayaa muddooyinkii dambe hogaaminayay guddi loo xil saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya, isagoona xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here