Madaxweynaha Jubbaland oo dib u hawlgelinaya Ahlu Sunnadii Gobolka Gedo

0
21

Madaxweynaha Jubbaland oo dib u hawlgelinaya Ahlu Sunnadii Gobolka Gedo

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dib boorka uga jafaya Ahlu Sunnadii Gobolka Gedo, xilligan oo maamulkiisu ay xiisad kala dhaxeyso Dowladda Federaalka.

 

Madaxweynaha Jubbaland ayaa 17-kii bishan waxa uu Maxamed Xuseen Isaaq (Al Qaadi) u magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Gedo, isagoo markaasi bedelaya Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) oo ka horyimid dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland.