Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo kulan muhiim ah la yeeshay kaadirka Xisbiga WADDANI ee Gobolka Gabiley.
Madaxweynaha waxa kulankiisa ku wehelinayey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Xirsi Cali X. Xasan, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, hawl-wadeeno ka tirsan Xukuumadda iyo Taliyeyaasha Ciidamada.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha hawlaha xisbiga, sida dhismaha iyo xoojinta laamaha ee Xisbiga heer Gobol, isku xidhnaanta xubnaha, iyo sidii loo sii adkayn lahaa wada shaqaynta iyo midnimada kaadirka.
Madaxweynuhu waxa uu kaadirka Xisbiga u sheegay in Xukuumad ahaan mudnaanta la siinayo ka shaqaynta arrimaha Amniga iyo Xasiloonida Dalka, wadajirka iyo midnimada ummadda iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee taabanaya nolosha shacabka.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu kaadirka Xisbiga WADDANI ee Gobolka Gabiley ku baraarujiyey doorkooda firfircoon ee ay ku leeyihiin xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda, isaga oo ku boorriyay inay sii wadaan hawlahooda siyaasadeed ee waxtarka u leh bulshada.
Dhankooda, kaadirka Gobolka Gabiley ayaa Madaxweynaha uga mahadnaqay kulanka iyo talooyinka dhaxalgalka ah ee uu la wadaagay, iyaga oo ballan qaaday in ay sii xoojin doonaan taageerada iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Xukuumadda iyo hoggaanka qaranka.