Madaxweynaha Eretariya oo eedeyn u jeediyay Itoobiya
Wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya, Caaisho Maxamed ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki, kaasi oo ay sheegtay inuu dhaawacayo xiriirka labada dal.
Madaxweynaha Eretariya ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu hurinayo dagaal, hubna soo iibsaday si uu u helo badda cas.
“Xukumadda Aby Axmed waxaa ay lacag badan ku bixisay soo iibsashada hub si ay dagaal u qaado, waxaa ay raadinayaan badda cas iyo faafinta qabyaaladda” ayuu yiri Madaxweyne Eretariya, Isaisas Afwerki
Hadalkaasi ayaa si adag waxaa uga jawaabtay Wasiir Difaaca Itoobiya oo sheegtay in aysan dooneyn dagaal laga huriyo Geeska Afrika.
“Waan beenineyna eeda Madaxweynaha Ereteriya, Itoobiya waxay dhisatay ciidanka dhulka, cirka iyo badda oo awood u leh in ay weerar ku qaadaan jiho kasta” ayay tiri Wasiirka Difaaca Itoobiya, Caaisha Maxamed.
Xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Ereteriya ayaa xumaaday ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii u dhexeeyay dawladda Faderaalka ee uu hoggaamiyo Aiby Axmed iyo Jabhadda TPLF, kaas oo socday intii u dhaxaysay Nofeembar 2020 iyo Noofambar 2022.