Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Oo Guddoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Shabeellaha Hoose
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha cusub ee Shabeellaha Hoose loogu magacaabay inuu noqdo Ibraahim Aadan Cali Najax, isagoo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Maxamed Cabdiraxiin Nuur,.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa faray laamaha amniga Gobolka inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka la magacaabay, waana markii saddexaad ee Guddoomiyaha Shabeellaha Hoose loo magacaabay Ibraahim Najax .
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa 1-da bishii Octoober 2021 Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose u magacaabay Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, wuxuuna xiligaas xilka ka qaaday Guddoomiye Najax, isagoona mar kale xalay u magacaabay Gobolkaas.
Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhowr jeer waxaa lag sameeyay isbedel, waxaana Gobolkaas uu yahay Gobolka ugu amniga xun Gobolada Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoona inta badan ay ka dhacaan dagaalo iyo Qaraxyo lala beegsado Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.