Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland oo la kulmay qaar ka mid ah Isimada Gobalka Bari.

0
469

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland oo la kulmay qaar ka mid ah Isimada Gobalka Bari.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Isimada Gobolka Bari oo ka mid yihiin Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.

Kulanka uu la yeeshay Deni Isimada Puntland ayaa looga hadlaya xaaladda Guud ee Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland, wuxuuna qeyb ka yahay Kulamada uu Madaxweynuhu la leeyahay qeybaha kala duwan ee Waxgaradka iyo Bulshada Gobolka Bari. Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari ayaa waxaa ka dhacay dagaalo sababay dhimsho iyo Barakac taas oo salka ku heysa dagaalka u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo Ciidanka PSF kuwaas oo ka soo horjeeda xil ka qaadista uu ku sameeyay Madaxweynaha Puntlanad Taliyaha PSF.

Boosaaso waxaa taala 16 kursi oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo deegaan doorashadodu tahay Puntland, Bosaaso ayaa ah deegaan doorashada labaad ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here