Madaxweyana Somaliland Oo Maanta Kulan La Yeelanaya Madaxweynaha Kenya

0
353

Madaxweyana Somaliland Oo Maanta Kulan La Yeelanaya Madaxweynaha Kenya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa Maanta kulan la qaadan doona Madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Kulanka oo ka dhici doona sida uu qorshahu yahay Madaxtooyada Nairobi ayaa waxaa looga hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan xiriirka Somaliland iyo Kenya iyo qodobo kale oo qorsheysan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa shaacisay kulanka dhexmari doona Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi oo shalay gaaray Magaalada Nairobi iyo wafdi uu hogaaminaayay oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Kenya waxay sheegtay inaysan joogitaan diblomaasiyadeed ku lahayn Somaliland balse ay garawsan tahay degganaanshaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka, ayna danaynayso inay hormariso, ayna ballaariso baayac-mushtaraka iyo maalgashiga.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in Somaliland ay muhiim u tahay Geeska Afrika marka ay noqoto la dagaalank wax loogu yeero argagixisada.

Si kastaba kulankaan Maanta dhexmari doona Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here