Madaxwayne Muuse Biixi Oo Sheegay In Shacabka Soomaaliyeed Ay u Afduuban Yihiin Madax Aysan Dooran
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad sanadle ah ka hor jeediyey golaha wakiillada Somaliland ayaa hadlay arrimo dhowr ah, isagoo soo hadal qaaday arrimaha Somaliland kala dhaxeeya Soomaaliya.
Ugu horeyn Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbadiisa diirada ku saaray xaaladda guud ee Somaliland, ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrimaha doorashooyinka, dhaqaalaha, amniga iyo horumarada uu gaaray maamulkiisa.
Mar uu ka hadlaayey arrimaha Soomaaliya waxa uu sheegay Muuse Biixi in shacabka reer Muqdisho ay yihiin dad afduuban sidii la rabo laga yeesho, sida uu hadalka u dhigay, isagoo xusay in madaxda talada heysa ay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka Soomaaliyeed sii kala fogaynaya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu xafiiska sii joogo, isagoo aan u heysan wax sharciyad ah.
Waxuu yiri, “Maanta Muqdisho dowladdii hore wakhtigeedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran, sharcigana uma kordhin haddana wuu fadhiyaa, waana maamulayaa.”