Madaxwayne Muuse Biixi Oo Saaka U Dhoofay Nairobi Iyo Ujeedada Safarka Madaxwaynaha

0
410

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Saaka U Dhoofay Nairobi Iyo Ujeedada Safarka Madaxwaynaha

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Cigaal International ee Magaalada Hargeysa, iyagoo kusii jeeda dalka Kenya.

Wafdiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan Xukuumaddiisa iyo Mas’uuliyiin kale, iyagoo saacado kadib sida uu qorshahu yahay tegi doona Caasimadda Nairobi ee dalka Kenya.

Ujeedka Madaxweynaha Somaliland ee Nairobi ayaa waxaa ya tahay sidii uu kulan gaar ah ula qaadan lahaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo faah faahin laga helin.

Socdaalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo khilaaf soo kala dhex-galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana dowladda ay u yeertay Safiirkeedii Kenya, halka kan kalena loo diray dalkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here