Madaxwayne Farmaajo Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Taliyihii Ciidanka Bada Somaliya

0
487

Madaxwayne Farmaajo Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Taliyihii Ciidanka Bada Somaliya

Wareegto kasoo baxday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa shaqo joojin loogu sameeyay taliyihii horay RW Rooble ugu  eedeeyay in uu boob ku hayo dhul ay leeyihiin Ciidanka badda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalila ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu shaqo joojin ku sameyay Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir,waxaana sidoo kale lagu sameyn doonaa baaritaan, xaqiiq ahaanshiyaha eedeynta uu jeediyay, waa sida hadalka loo dhigaye.

Sidoo kale Farmaajo ayaa amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here