Madaxwayne Biden Oo Mar kale ka Digay Inuu Dhaco Dagaalka Sadaxaad Ee Aduunka

0
509

Madaxwayne Biden Oo Mar kale ka Digay Inuu Dhaco Dagaalka Sadaxaad Ee Aduunka.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa ka digay in iska horimaad toos ah oo dhexmara gaashaanbuurta NATO iyo Ruushka uu ka dhalan doono dagaalkii saddexaad ee dunida.

“Waxaan rabaa inaan caddeeyo Waxaan ilaalin doonaa gobol kasta oo NATO ah inuu lahaado awood buuxda oo isku dhafan oo la xoojiyay” ayuu yiri Biden.

“Ma qaadi doono dagaal ka dhan ah Ruushka oo duulaan ku qaaday Ukraine, iska horimaad kasta oo toos ah oo dhexmara NATO iyo Ruushka wuxuu noqon karaa dagaalkii 3-aad ee aduunka” ayuu intaas ku daray.

Biden ayaa marar badan diiday inuu u diro ciidamo Maraykan ah si ay isaga hor imaad toos ah ula galaan ciidamada Ruushka.

Waxaa uu sheegay Maraykanka iyo xulafadiisa ay isku dayi doonaan inay wiiqaan maqaamka Ruushka gaar ahaan awooddiisa ganacsi.

“Putin waa nin gardaran, wuxuu dusha saaran doonaa mas’uuliyadda ka dhalata arrintaas, Waan muujineynaa awoodeena, mana quusan doono,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here