Madaxwaynaha Tuniisiya oo Qaaday Tallaabo ay Hoggaamiyasha Soomalidu Kaga Dayan Karaan

0
324

Madaxwaynaha Tuniisiya oo Qaaday Tallaabo ay Hoggaamiyasha Soomalidu Kaga Dayan Karaan

Madaxwaynaha Tunisiya ayaa sheegay in uusan degin Aqalka Madaxtooyada Dalkaasi iska markaana uu raacin Gaadiidka Madaxtooyada dalkaasi si uu u ilaaliyo hantida dad waynaha.

Hoos ka Akhriso:

“Markii la ii Doortay Madaxweynaha Tuniisiya waxaan idhi marabo inaan ku hoydo qasriga madaxtooyada, waxaan ku hoyanayaa Gurgaygii hore , Madaxtooyada Xafiis shaqo ahaan ayaan u imanayaa.

Waxaan kale oo Go’aansaday markaan magaalada Dan gaar ah ka yeesho in aanan kaxaysan Baabuurta Dawladda oo aanan Shidaalka ummadda ku Khasaarin dan gaar ah oo aan anigu leeyhay, markaas waxaan kaxaystaa baabuurkaygii yaraa ee aan lahaa intii aanan madaxweynaha noqon, Sidas waxaan u yeelayaa waxaan ka cabsanayaa maalinta Qiyaamaha Alle hortii laygu xisaabinayo inaan waayo waxaan ku jawaabo!!” Madaxweynaha Tuniisiya Qays Siciid ayaa yidhi.

Tallaabadan uu qaaday Madaxwaynaha Tunisiya ayaa waxa ay tahay mid ay kaga dayan karaan hoggaamiyasha dawladdaha Islaamka ee Soomalidu Kamid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here