Madaxwaynaha Dalka Ukraine Oo Ogooladay Mid Ka Mid Ah Qodobada Ugu Wayn Ee Ruushka Ka Rado Ukraine

0
460

Madaxwaynaha Dalka Ukraine Oo Ogooladay Mid Ka Mid Ah Qodobada Ugu Wayn Ee Ruushka Ka Rado Ukraine

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa u muuqda in uu ogolaaday qodob aad u weyn oo Ruushka ka raadinayeen, kaas oo ah in dalkani uu noqdo mid dhexdhexaad ah ka ah qaddiyadaha u dhaxeeya Reer Galbeedka iyo Ruushka.

Isaga oo la hadlayay warbaahinta Ruushka qaar ka mid ah ayuu Zelensky sheegay in uu diyaar u yahay in dalkiisa uu noqdo mid aanan dhinacna la jirin , balse ay tahay in marka hore damaanad laga helo dhinac sedexaad, islamarkaasina afti dadweyne loo qaado.

Dalabka madaxweynaha Ruushka ee Putin ayaa ahaa in Ukraine aysan ku biirin ologga militari ee NATO, taas oo ay Ruushka u aragto qatar weyn oo daris lasoo noqonaysa Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here