Madaxda Midowga Afrika Oo Cambaareeyay Afgambigii Millatari Ee Ka Dhacay Dalka Maali

0
348

Madaxda Midowga Afrika Oo Cambaareeyay Afgambigii Millatari Ee Ka Dhacay Dalka Maali

Madaxda Wadamada Afrika ayaa si xoogan u cambaareeyay afgambigii milatari ee Talaadadii ka dhacay dalka Mali intii lagu gudajiray afgambigaasna ay Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita xireen Ciidamada.

Hogaamiyaha Ururka Midowga Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay in hogaamiyayaashu waxay ku baaqeen in si deg deg ah loo sii daayo Madaxweyne Keïta iyo xubnaha sare ee maamulkiisa oo ay kamid yihiin Ra’iiselwasaaraha wadanka Mali Boubou Cissé.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu ku boorriyay “xasilooni, nabad iyo dimoqoraadiyad” xallinta dhibaatada halka Madaxweyne Ramaphosa uu ku baaqay wada hadal si loo soo celiyo nabada iyo xasilloonida dalka Galbeedka Afrika ee mali.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo (DRC) Felix Tshisekedi ayaa ku booriyay waddamada Afrika inay mowqif adag ka qaataan arrinta isagoo sheegay in afgambigu “khatar u yahay dimuqraadiyadda Afrika”.

Hogaamiyaasha dalalka Afrika waxay kahadleen fiidnimadii khamiista intii lagu gudajiray shirweynihii madasha ee xafiiska midowga afrika kaas oo looga hadlayey jawaab celinta qaarada ee masiibada Covid-19.

Shirka waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay wakiilo ka socda Bulshooyinka Dhaqaalaha Gobolka (RECs), ergooyin gaar ah oo Afrikaan ah oo ku saabsan Covid-19 iyo Agaasimaha CDC Dr John Nkengasong.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here