Madaxda Jabuuti, Itoobiya & Kenya oo Muqdisho soo gaartay si ay uga qaybgalaan shirka 4-geesoodka ah ee looga hadlayo amniga Soomaaliya!

0
219

Madaxda Jabuuti, Itoobiya & Kenya oo Muqdisho soo gaartay si ay uga qaybgalaan shirka 4-geesoodka ah ee looga hadlayo amniga Soomaaliya!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali & Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay uga qaybgalaan Shirka looga hadlayo: la dagaalanka ‘AS’, Xoojinta cilaaqaadka waddamadaan xad-wadaagga ah & sidii loo dhaqangelin lahaa qodobada ay isku fahmeen Taliyeyaasha Ciidamada Militariga Dalalkaan.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo shir Guddoominaya ayaa Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Kenya William Ruto & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed la wadaagaya howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ & Natiijada kasoo baxday gulufka ay qaadeen Ciidanka Federaalka ee Shacabka kaashanaya.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaa la joojiyay isu socodka Gaadiidka & Dadka iyada oo qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta XFS lagu sheegay in sababo la xiriira martida dalka timid loo xiray waddooyinka shacabka dulqaad muujiyaan muddada saacadaha ee kooban.

Marka uu shirka soo dhammaado waxaa lagu wadaa In Madaxda Dowladaha Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya & Kenya ay soosaareen warmurtiyeed ka tarjumaya waxyaabaha ay isku afgarteen saacadaha uu wadahadalkoodu socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here