Maamulka Trump oo shaqada ka eryaya Xubno badan oo kamid ah Sirdoonka dalkaasi

0
17

Maamulka Trump oo shaqada ka eryaya Xubno badan oo kamid ah Sirdoonka dalkaasi

Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheyneysa dhimista ballaaran lagu sameeyo shaqaalaha hay’adda sirdoonka CIA-da iyo qeybaha kale ee nidaamka sirdoonka dalka, sida uu qoray wargeyska The Washington Post.

 

Warbixinta ayaa sheegaysa in CIA-du qorsheyneyso in ay dhimto ilaa 1,200 oo shaqaale ah, iyadoo kumannaan kale laga dhimi doono hay’adaha kale ee sirdoonka Mareykanka.

 

Talaabadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah qorshayaasha Madaxweyne Trump uu ku yareynayo baaxadda iyo kharashaadka hay’adaha dowladda federaalka.

 

Go’aankan ayaa imaanaya xilli weli Trump wado isbedellada siyaasadeed ee maamulkiisa ku sameynayo hay’adaha muhiimka ah ee amniga iyo sirdoonka, taasoo dhalisay dood ka dhex taagan Aqalka Cad iyo saraakiisha sirdoonka.