Maamulka Koonfur Galbeed oo durba ka fal celiyay cabashada Fannaankii hore ee la dhihi jiray “Axmed Biif”

0
548

Maamulka Koonfur Galbeed oo durba ka fal celiyay cabashada Fannaankii hore ee la dhihi jiray “Axmed Biif”

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xabsiga la dhigay labo qof oo lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen falal uu cabasho kasoo soo gubiyay fannaan hore oo ka baxay fanka.

Xarigga ayaa yimid kaddib markii uu muuqaal cabasho ah soo duubay Axmed Cabdikariim Maxamed, oo hadda loo yaqaanno “Axmed Kheyr” balse horay loogu yaqaannay “Fannaan Axmed Biif” ka hor inta uusan heesaha iska dhaafin.

Axmed ayaa sheegay in Hooyadiis oo ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed uu dhibaato ku hayo nin ay xaas u tahay.

Wasiirka Warfaafinta ee Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur, ayaa sheegay in ninkii hooyada seygeeda ahaa iyo wiil kale oo dhallinyaro ah xabsiga la dhigay.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo dhammaan mas’uuliyiinta maamulkaas “aysan marna aqbali doonin in qof sharaftiisa wax loo dhimo”.

Wiilka lala xiray ninka odayga ah ayaa lagu tilmaamay inuu yahay qofkii muuqaalka ka duubay xilliga loo gacan qaadayay hooyada “Axmed Kheyr”.

Muuqaalka uu soo duubay fannaanka hore oo hadda wadaad ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn ugu faafay baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here