Maamulka Jubaland Oo War Ka Soo Saaray Shirkii Uu Ku Baaqay Madaxwayne Farmaajo

0
360

Maamulka Jubaland Oo War Ka Soo Saaray Shirkii Uu Ku Baaqay Madaxwayne Farmaajo

Maamulka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay Shirka maalinta berri ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u sheegay in maamulkiisa uu soo dhaweynayo Shirka lagu baaqay oo looga hadli doono khilaafka hareeray qabsoomida doorashada dalka.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in shirka haatan uu yahay mid loo baahnaa in mar horey la qabo, si xal looga gaaro muranka doorashada, iyadoona 30-kii bishaan maamulada Puntland iyo Jubbaland ku baaqeen Shir wadatashi ah oo xal raadin ah.
Sidoo kale Wasiir Cabdi Xuseen ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xal laga gaari doono qodobada la isku haayo ee kala ah arrinta Guddiga doorashooyinka, Gobolka Gedo iyo Arrinta Gobolada Waqooyi ee Somaliland, iyo sidii loo furin lahaa heshiiskii horey loo gaaray.

Isaga sii hadlaayay Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayuu sheegay in diidmada dowladda Federaalka ee Guddiga doorashada ay magacaabeen u arkaan muddo kororsi dowladda dooneyso in caqabadihii maamulkooda dowladda ku heysay.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa la filayaa in Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka furmo halkaas, isla markaana looga hadi doono khilaafka iyo muranka ka taagan qabsoomida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here